Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyooyin Deegaanka ah iyo Xoogag u daacad ah Maamul Islaami ah oo ka  taliya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa wuxuu ka dhacay Deegaanno hoos-yimaada Degmadaas, iyadoo dagaalkaasna uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Khasaaraha uu dagaalkan geystay ayay dad ku dhaqan Degmada Jamaame sheegeen in uu gaarayo dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca dad intaas ka badan, kuwaasi oo u badan dhinacyadii dagaallamay.

Warar is-khilaafsan ayaa waxay ka soo baxayaan sababta dagaalka keentay  waxayna wararka qaarkood sheegayaan in dagaalka uu qarxay kadib markii xoogagga Islaamiyiinta ah oo horay ay u weerareen Maleeshiyooyinka Deegaanka ay weerar jawaab-celin ah ku qaadeen fariisin ay maleeshiyooyinka ku sugnaayeen, halka ay jiraan warar kale oo sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo gacan-ku-heynta deegaanno ka tirsan Degmada Jamaame.

Gobolka Jubbada Dhexe ayaa wuxuu ka mid yahay gobollo dhowr ah oo ku yaala Koofurta Soomaaliya, kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan Xoogag Islaamiyiin ah oo ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, waxaana gobolladaas ka mid ah Jubbooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool iyo Shabeelada Hoose, iyadoo ay jiraan gobollo ay qeybo ka mid ah ka taliyaan Xoogaggaas sida Gobollada Galgaduud, Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir.